"Kacaanka 6-aad laxow badanaa" |
|
|
|
Wixii Talo ah oo ku saabsan Maqaalada ku soo hagaaji Afgooye01@hotmail.com |
|
Marka aynu dib u milicsanno sooyaalka taxanaha taariikheed ee Soomaaliya, waxeynu is weydiin karnaa su’aasha ah maxeynu ka soo dhaxalnay kacaannadii is daba yaallay ee uu dalkani soo maray?, maxeyse kala ahaayeen:- LIXDA KACAAN: 1. Kacaankii:- Axmed Gurey iyo Abyssinia + Bortoqiiska. 2. Kacaankii:- Sayid Maxamed iyo Boqortooyada Ingiriiska. 3. Kacaankii:- Dhallinyarada S.Y.L iyo xorriyad doonkii. 4. Kacaankii:- 21 Oktobar ee hantiwadaagga ahaa. 5. Kacaankii:- Jabhadaha iyo qabqablayaasha dagaalka. 6. Kacaanka:- Jihaadka Soomaaliya iyo jaha wareerka Shacabka.
Kacaanka 1aad:- wuxuu ahaa cadow iska caabbintii 1-aad ee ay Soomaalida isaga rogeysay heeryadii qoyaneyd ee gumeysi diidka aheyd , waxaana hoggaaminayay, Imaam Axmed Ibraahim Alghazi Axmed gurey ( 1506 -1543 ) wuxuu ahaa halgan lala galay gumeysatada madow ee abyssinia, taas oo uu Axmed Gurey xabashida ku khasbay iney hilibka ceyriinka ku cunaan oo ay dab shidan kari waayaan habeenkiina ay guuraha ka caagaan, taasoo ilaa maantadan xabshida dhaqan u ah.

Jabkaasi ka dib kaniisadihii Orthodox ka xabashida, ayaa u qeyla dhaansaday kaniisadihii masiixiga ahaa ee reer yurub gaar ahaan bortaqiiska iyaga oo leh "waxeynu nahay jasiirad yar oo ku dhex taalla bad weyn muslim ah ee naga soo gaara inta aan nala cirib tirin", baaqaasi waxa ku soo dagaal galay D’gama iyo intii ku fikirka aheyd, iyaga oo hiil u ahaa gumeysatada madow ee ay diin wadaagga ahaayeen.
Halgan kaasi taariikhiga ahaa wuxuu noqday kacaan xusuus mudan oo mar walba taariikhda soomaaliyeed ku xusan, waayo wuxuu ahaa mid dalka, dadka iyo diintaba loogu hiilliyay.
( Ku dayo haddaad dhiig iyo damiir waddaniyadeed leedahay ).
Kacaanka 2aad:- Wuxuu ahaa kii sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo taariikh ahaan dhalasho iyo dhimashaba ku beegnaa kuna soo koobmay ( 1856 - 1920 ) halgankani waxaa lagu difacay guud ahaan dalka iyo dadka soomaaliyeed, waxaana ku hoobtay oo ku halaagsamay saraakiishii boqortooyada ingiriiska oo isu heystay iney yihiin lama taabtaan, sida gaalkii la oran jiray Richard Cordfail oo ay soomaalidu u taqaanno ( Koofil ) sayidkuna uu ku dul gabyay markii la dilay ka dib!.

Gumeysi diidkii iyo dagaalladii kululaa ee sayidka uu la galay gaaladii ingiriiska aheyd ee soo duushay xanuunkii ku dhacay awgii waxey sababtay iney soomaaliya noqoto qaaradda afrika dalkii ugu horreeyay ee diyaarado lagu duqeeyo gaar ahaan rugtii daraawiisheed ama qalcaddii sayidka ee ( Taleex ).
Si kastaba ha ahaatee halgankaasi wuxuu ahaa mid naf iyo maalba loo soo huray oo uu dhiig waddaniyadeed ka dhex muuqday, aadna uga duwanaa dhaqannada waddaniyad xumada iyo shisheeye jacaylka xanbaarsan ee maanta aynu aragno!.
( Ku dayo haddaad dhiig iyo damiir waddaniyadeed leedahay.)
Kacaankii 3aad:- ee soo if baxay ( 1943 -S.Y.L- 1969 ) wuxuu noqday kacaankii rajada iyo raaxada dadka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba, waayo waxaa u billowday dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo bulshada u tilmaamayay neecaawda gobannimo iyo horumar lagu tiigsanayay inuu dalku gaaro xorriyad taam ah.

S.Y.L ( Somali Youth Leage ) waxaa hormuud u ahaa 13 dhallinyara ah oo ka fogaaday ku dhaqanka qabyaaladda iyo is faquuqidda, taasina waxey u suura gelisay iney si shuruud la’aan ah gumeysiga ugu khasbaan inuu oggolaado iney soomaaliya xorriyad daakhili ah hesho, muddo yar ka dibna u sii gudubto xorriyad buuxda, taasoo ay ka dhalatay is raacii midnimo ee 26 juun iyo 1dii luulyo 1960kii markaa oo la helay qaran iyo calan soomaaliyeed oo mansab ahaan dunida wax la qeybsan kara iyo dimuqraadiyaddii ugu horreysay ee qaaradda afrika ka hirgasha.
( Ku dayo haddaad dhiig iyo damiir waddaniyadeed leedahay!).
Kacaankii 4aad:- (1969 – 1990) Waxaa hoggaan u ahaa, Sarreeye Gaas: Maxamed Siyaad Barre iyo saraakiil gadoodsan oo af genbi ku ridday xukuumaddii rayidka aheyd ee markaa talada dalka heysay, waxaana caleemo qoyan ku soo dhoweeyay dad weynihii soomaaliyeed ee indhaha ku wada hayay kacdoonnadii milleteri ee qaaradda afrika inteeda badan wada saameeyay.
Su’aashu waxey tahay ( maxey dhiseen maxeyse dhibeen? ).
Waxey si hufan u adkeeyeen amaankii iyo kala danbeyntii dalka.
Waxey dhiseen isbitaalladii, iskoolladii iyo warshadihii dalka.

Waxaa lagu amaanaa oo xusuus mudan qoristii af soomaaliga iyo ololayaashii horumarineed, sida Ololihii horumarinta reer miyiga, bacaad celintii shalaambood, ololihii raridda iyo dejinta iyo ololayaashii iskaa wax u qabso iyo fatahaaddii biyaha iyo sidoo kale kicintii iyo abaabulkii bulshada ee ku saleysnaa xag dhaqan iyo xag isboorti siyaasadi ay ku milneyd, sidaa darteed soomaaliya gudaha iyo dibaddaba xiddig nuuraya ayey ka aheyd magaceeduna waa sarreeyay.
Dunidu waa lammaane wax qabadkoodii quruxda badnaa ee ay indhuhu ka marqaati kacayeen aragnaye maxey xumeeyeen?.
Su’aashani jawaab gaaban waxaa inaga siinaya suugaan yahan af maal ah oo aad shirb kiisa ka garan kartaan tabashada wixii dhacay, wuxuuna farriin tiisa ku soo koobayaa laba sadar oo ah:-
Jidya jardiino waa dhiseen Jadiin keyse naga jareen.
Waan filayaa inaad jawaabtaasi uga qanacdeen wax badan oo qoraal lagu sheegi lahaa, ha yeeshee gubaabadeyda wanaagga lehna waxaan ku soo af xirayaa :-
( Fadlan uga dayo wixii wanaag ah xumaantana halkeeda uga tag ).
Kacaankii 5aad:- ( 1990 – 2006 ) Waa jabhadihii xukunka ka tuuray kacaankii 21-ka sano dalka soo maamulayay, laakin nasiib darro intii caleentii qoyaneyd ee lagu soo dhoweynayay aysan qalalin bey sidii qarshada u kala qarxeen qabaa’il iyo jufooyinna u kala safteen!.

Taasi, waxey dhalisay inuu baaba’o hankii qarannimo ee laga filaayay, taa beddel keedana waxuu nin waliba abuurtay mooro xaafadeed iyo mooryaan ka amar qaadata oo habeen iyo maalin dadka isbaaro un la hortaagan dalka iyo dhacana caado uga dhigay, kuwaa oo in amaanku uu soo noqdana aanay dani ugu jirin weliba dowladnimada sidaa un u heysta.
Qab qablayaasha dagaalka in kasta oo aysan dan qaran u hiillin haddana hadal heynta calan kooda kama ay tagin ciiddana kama ay sabrin, balse waxey iyagu lahaayeen bey cadow u hoos tageen, maxaa yeelay Ethiopia ayaa u noqotay hoyga ama marjaca ay u kala dhuuntaan taa ayaana xalka sii fogeysay.
NB: ( Fadlan ka fogow kuwani waxba ha uga dayan! ).
Kacaanka 6aad:- ( 2006 – 2010 ) wuxuu ahaa kacdoon dad weyne oo sidii folkaanihii mar un dibadda u soo qarxay, waxaana lagu soo wada dhoweeyay farxad iyo reyn reyn dadkii qurbaha qaxootiga ku ahaa xataa dalkii dib ugu celisay.
Waa ayaan darree farxaddaasi mid raagtay mey noqon, waxaana soo dhex galay tashuush iyo kala aragti duwanaasho diimeed taa oo cadawga fursad u siisay inuu faragelin ku yeesho arrimaha gudaha iyo talada dadka soomaaliyeed, taasoo burbur hor leh dhalisay iyo in ay xabashidu leyso kumanaan kun qof oo soomaali ah oo lagu dilay gudaha dalkooda hooyo iyo calankooda hoostiisa!.

Kacaanka lixaad laxow badanaa - oo fikir shisheeye lur kululaa Dib ayaan ka soo qori doonaa.
Qore Axmed Xuseen (Axmed Sheekeeye) |
Maamulka xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo siminaar lagu baranayey Muhiimada nafdaafadu u leedahay bulshada u qabtay in ka badan 100 qof. Wilaayada islaamiga ah ee gobolka Banaadir ayaa magaalada Muqdisho ka furtay dowlro islaami ah oo lagu baranayey duruus la xiriirta howlaha caafimaadka iyo muhiimada ay u leedahay bulshada qeybaheeda kala duwan.
Dood cilmiyeedkaan ayaa ah mid socday hal maalin iyada oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 100 oo ka kala socday bulsahda qeybaheeda kala duwan iyada qaban qaabadisu ay laheyd wilaayada gobolka banadair ee xarakada Mujaahidinta alshabaab.
Waxaa ka soo qeyb galay xubno ka tirsan xalkada alshabaab oo uu horkacayey waaliga wilayada sheikh Cali Maxamed Xusen odyaal dhaqameydyo, Ganacsato, culumaa’udiin, Abwaano xubno matalayey ispitaalada dayniile iyo keysaney.
Intii uu socday dood cilmiyeedkaan ayaa lau lafa guray muhiida caafimaadka ay u leedahay nadaafadu iyada oo ay casharo ak soo jeedinayeen rag aqoon sare u leh howlaha caafimaadka.
Waaliga wilaayada xarakada Al-Shabaab iyo xafiiska caafimaadka ee xarakada Shabaab Mujaahidiin oo dooda furay ayaa ku dheeraaday faaiidada nadaafadu u leedahay bulshada iyo sida ay muhiim u tahay in lagu dadaalo.
Dood cilmiyeedkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee ay ku qabato Al-Shabaab Gobolka Banaadir iyada oo lagu lafa gurayey muhiimada ay caafimaadka u leedahay nadaafadu.








(
Xasan Afgooye)
Under one of these subheadings, it's a good idea to list recent updates to my site so that visitors, especially return visitors, can check out the new stuff first. For example, I could list the date and a brief description of the update.
I could also list updated news about my site's topic. For example, if my site were about a particular sport, I could discuss the outcome of a recent competition.