Xogta Asaxabta

World news about Somalia. Breaking news and archival information about its Taariikhda Halgamada Soomaaliya Maqaalo Nala soo Xiriir

Hooyo soomaaliyeed oo diinteeda 500$ siisatay.!!!!!

Qore Xasan Cismaan (afgooye)

Hay`ad reer galbeed ayaa ka wada xeerooyinka qaxootiga Soomaalida ee Kenya olole gaaleysiin ah, iyadoo looga faa`ideysanayo daruufaha nololeed ee haysta .

Hay`addaan ayaa waxaa barnaamijkan faafintiisa gacan ka siinaya urur loogu yeeray Somalida Rumeysan Karistaanka oo uu hogaamiyo Baadari Axmed Cali Xayle oo haysta dhalashada dalka Mareykanka, sida goob jogayaal xerooyinka qaxootiga u sheegeen Aljazeera .

Isku dayo badan oo ay Aljazeera sameeysay si ay ula kulmaan ninkaan Somaliga ah ayaa lagu guuleysan isaga oo ka diiday in ay wareystaan , sidoo kale hay`adaan Mareykanka ee barnaamijkaan wada ayaa Aljazeera u diiday in ay galaan xaruntooda Nayrobi oo maalmaha Sabtida iyo Axada Soomaali badan lagu siiyo casharo ku saabsan Injiilka .

Hooyo soomaaliyeed oo magaceeda kusoo koobtay "Maymuun" ayaa ka warameysa qisadeeda hay`adaan Somalida Rumeysan Karistaanka, iyadoo ka mid ah tobaneeyo qaxooti oo ku biiray tijaabinta diintaan cusub, waxayna xeryaha qaxootiga soo gaartay sanadkii 1991-dii.

"Daruufaha nolosha ee adag iyo baadi goobka aan ugu jiray aniga iyo gabadheyda in aynu helno wax aan dhuunto marino ayaan waxaan la kulanay Axmed Cali Xayle kaasi oo bilowgii kulankeena i siiyay 500-oo doollar oo ku aadan in aan qaato fikirada masiixiyada, anna sababa la xariira maaliyada ayaan u aqbalay", ayay tiri Maymuun oo u warameysay Aljazeera.

Ka dib waxaan u istaagay in qoysas badan oo Soomaaliyed ku soo xiro hay`adda ka dib markii xaalada nolosheyda is badashay, waxaana bilaabay in aan u aqriyo casharo ku saabsan Injiilka oo ku turjuman luuqada Soomaaliga .

Mid ka mid ah kaniisadaha Nayrobi ayaan ugu aqrinayay ka hor inta aysan hay`ada iga jaran lacagtii maadaama ay ogaadeen in aan weli aaminsahay diinta islaamka.

Maymuun ayaa ku warantay in qaxootiga Soomaaliyeed ee hay`addaan bartilmaameysato ay casharo ku qaataan Nayrobi taasi oo ay sii dheer tahay iyaga oo hela wax barasho dhanka kumbiyuutarka, qaabka dharka loo tolo , sida baabuurta loo sameey , dadka hay`adaan ku xiran iminka 600-oo qof ayay kor u dhaafayaan.

Anisa Cariis Nuunow oo 63-sano jir ah oo sedex ka mid ah walaalahed ku weysay dagaaladi sokeeye ee Somaliiya ayaa iyadana qisadeeda ka duwaneyn qisada Maymuun, waxa ayna Aljazeera kula hadashay hadal kulul iyada oo careysan ayay ka hor keentay "Ma ihi Soomaali, maxaa yeelay qof dan iga leh ma jiro inkastoo ehel ay Kenya i joogaan" .

Arinta fajaca noqotay ayaa aheyd markii si deg-deg ah boorsadeeda yar ay uga soo bixisay kitaab quraan ka dib waxa ay aqrisay suuradaha Ikhlaas, Al-naas iyo Alfalaq, isla markiiba horay ayay ka qarisay ka dib markii uu u soo dhawaaday nin Soomaali ah oo qaatay masiixiga, waxa ayna sidaas u sameeyay iyada oo ka baqeysa in uu sheego lagana goosto lacagta la siiyo .

Injiilka (Bible) oo loo ekeysiiyay kutaabka Qur`aanka

Hay`addaan Mareykanka laga leeyahay oo kaashaneysa Soomaalida aaminsan Karistaanka ayaa xeryaha qaxootiga ka qeybiya qoraal Injiilka ka hadlaya oo lagu soo turjumay luuqada Soomaaliga, waxaana arinta laga caroodo ay tahay iyadoo Injilkaas galkiisa soo giliyeen galka Kitaabka quraanka kariimka si qofka wata loogu qaato in kitaab quraan uu wato.

Hay`addaan gaaleysiisa qoxootiga ayaa uga faa`ideysata qaxootiga baahida haysata, iyadoo qaarkood loo furo albaabada socdaalka dalalka Mareykanka iyo Canada .

Xigasho: http://www.aljazeera.net/NR/exeres/5FBAF5EC-8960

Waxaa Turjumay:

 C/shakuur xasasn Maxamed (Alqurawi)

 

la soco Maqaalada Kale

Tall Rock

Stands strong and proud.

Green Meadow

Relax and clear your mind.

Wheat Field

Strong winds embraces the golden wheat.

Italian River

Captures the excitement of being around this italian waters.